Tallaalka:

 

Leh

• wuxuu ka ilaaliyaa adiga iyo ilamaaga cudurada dilaaga ah ee halista badan, oo ay kujirto burukiitada iyo caabuqa xuubka makaxda.

• wuxuu ka ilaaliyaa dadka kale ee bulshadaada – iyadoo uu ka caawinayo joojinta cudurada ku faafa dadka aan heli karin tallaalka

• mar baaritaan badbaado oo aad looga taxadaray kahor inta aan lagugu darin – waxaa sidoo kale loola socdaa si joogto ah waxyeelada kasoo gaarta kadib marka lagu daro

• mararka qaar waxey sababtaa waxyeello yar oo aan sii daba dheeraa – waxaa suurtagal ah inaad dareentid inaadan fiicneyn oo ay gacantu ku xanuunto 2 ama 3 maamlood

• dhimista ama xitaa in laga takhaluso cudurrada qaar – haddii dad kufilan la tallaalo

 

Ma laha

• ma keento xanuunka owtiisam-ka – daraasaduhu meysan helin wax caddeyn ah oo ka dhexeeya tallaalka MMR iyo owtiisam-ka. Cilmi baaris badan ayaa looga hadlay arrintan oo natiijooyinka waxey si kucelcelis ah tuseen in xiriir uusan jirin. Tani waxaa kujira dibu eegis la isla ogyahay oo ah dhammaan daraasadaha laheli karo ee kusaabsan xiriirka kadhexeeya owtiisam-ka iyo tallaalada 2014, iyadoo la isticmaalayo xog ka badan ilaa 1.25 malyan oo carruur.

• ma xad dhaafiso ama laciifiso habka difaaca jirka – waa ammaan in carruurta iyo dadka qaangaarka ah ay qaataan dhowr tallaal markiiba oo tani waxey dhimeysaa cadada cirbadaha loo baahanyahay

• ma keento xasaasiyad ama wax xanuuno kale ah – dhammaan caddeymaha hadda ah waxey noo sheegayaan in tallaalida ay ka ammaan badantahay tallaalid la’aanta.

 

Ma hubtid? Weydiiso maanta inaad dhakhtar ama kalkaaliso kala hadasho wax

kusaabsan tallaalka.


You may be interested in: